Israraaseen Dhexmartay Ciidanka Xooga Dalka iyo Kuwa Kenya.

0
173

Wararka aan ka heleyno xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowladda Kenya.

Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa Mandheere iyo degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana dagaalka uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka nooyacdiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta, isla markaana ay dareemeen cabsi, wallow daqiiqado kahor uu dagaalka istaagay, kaasi oo saakay soo bilowday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkiii dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowladda Kenya, in kastoo aan si rasmi ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Dagaalka ayaa tilmaamay inuu daba socdo afduub iyo dil fool xun oo ay ciidamada Kenya maalmihii lasoo ka wadeen Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Ceel-waaq, waxaana saakay markii ugu horeysay dhaq dhaqaaq sameeyay sida la xusay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Balad-xaawo.