Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta Yeelanaayo Kulan Wada Jir ah.

0
91

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in ay maanta Sabti ah Taariikhduna ku beegan tahay 26 Sep  ay yeeshaan kulan wadajir ah

Guddoonka labada Aqal Aqal shaaciyay in Ajandaha Kulanka yahay u Codeynta Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21.

Guddoonka ayaa farriin u diray labada Aqal, iyaga oo ka dalbaday in kulanka maanta ay kasoo qeyb galan, waxaana sida aan wararka ku helay kulanka goobjoog ka noqon doona Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ay u badan tahay in la meelmariyo heshiiska jiheynta siyaasadda Arrimaha doorashooyinka.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa dadaal badan u galay in la ansixiyo heshiiska doorashooyinka, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto degaanadooda.