Banaanbax Xoogan Ayaa Maanta Ka Socda Gobalka Gedo.

0
125

Waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ka socda banaanbax ka dhan ah Ciidamada Kenya oo ay dhigayaan qaar kamid ah Shacabka ku nool degmooyinka Gobolkaasi Gedo.

Shalay banaanbaxyada ayaa waxaa ay ka dhaceen degmooyinka Ceelwaaq iyo beled-xaawo, waxaana Maanta si lamid ah banaanbaxyada ay ka bilaawdeen degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Boqolaal kamid ah Shacabka degmada Garbahaareey oo isugu jira Haween, carruur iyo dhalinyaro, kuwaas oo qatay Qoryaha nooca AK47 iyo Budad iyo Masaaro ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Ciidamada Kenya.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo dad ka kaxeystay degaano hoostaga degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo qaarkood ay dileen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo oo bannaanbaxayasha la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada dowladda aysan marnaba u dulqaadan doonin dhibaatada ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka Gobolka Gedo.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya inay jawaab cad ka keenaan Dowladda Kenya oo maalmihii la soo dhaafay ciidamadadeeda ay dad ku dileen degaano ka tirsan gobolka Gedo dad kalena ay kaxeysteen.

23-kii Bishaan ayaa Ciidamada Kenya waxaa ay tiro dad ah ka kaxeysteen degaanka Yadoo ee duleedka Ceelwaaq, kuwaas oo qaarkood ay dileen, balse markale xalay ay Afar ruux ka kaxeysteen degaanka Daaru-salaam ee duleedka degmada Ceelwaaq.