Magaalada Jowhar Ayaa Waxaa Gaaray Guddiga Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

0
112

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gaaray Guddiga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Xubnaha Guddiga oo ku sugnaa Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga soo xulista Xildhibaanada Cusmaan Maxamed Mukhtaar iyo kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Maxamed Cabdi.

Sidoo kale Jowhar ayaa waxaa dib ugu laabtay in ka badan 30 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Muddo xileedka Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa waxaa uu ku egyahay 9-ka bisha soo socota ee Octoober 2020, waxaana haatan socoto qaban qaabadaii ugu dambeesay ee soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Maamulkaas.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.