Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay(SAWIRRO).

0
107

Siihayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Goordhow xilka Ra’iisul Wasaarenimo si rasmi ah ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble oo Codka kalsoonida la siiyay.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb gala Wasiirada xilka siiyaha, Xildhibaano iyo  Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kala wareegay Mahdi Guuleed Maxamed Khadar, kaasi oo xilka haayay muddo laba bil, kadib markii Codka kasloonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kala noqdeen Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Mahdi Guuleed uga mahadceliyay muddii xilka sida KMG ah aheyd ee uu u haayay, isagoona sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh oo ka qeyb qaatada Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Warqad u diray Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna ku wargeliyay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo, hayeeshee arrintaas suura-gal noqon weyday, meeshana ka baxsaday, kadib markii xilka uu wareejiyay Mahdi Guuleed.