Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Ka Warbixiyey Safar Koodii Baydhaba(DAAWO).

0
95

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo oo ah saraakiil sare oo ka tirsan taliska dhexe ee Booliska ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur galbeed, iyagoo halkaasi u tagay qiimaynta amniga deegaanada maamulkaas iyo baahiyaha Booliska.

Jeneraal Xijaar waxa uu sheegay in socdaalkooda Baydhabo uu la xiriiro sahan ballaaran oo Booliska Federaalku ku samaynayo deegaanada dawlad goboleedyada, si loo ogaado heerka diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka heer Federaal ee dalka ku soo fool leh iyo dejinta qorshaha horumarineed ee Booliska Soomaaliyeed sanadka soo socda.

Halkan Hoose Ka Daawo:-