Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kulan Laqaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle

0
83

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulankooda ahaa salaam iyo soo dhaweyn ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan salaan iyo Hambalyo ugu tagay Reysul wasaaraha cusub ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u rajeynayaa inuu alle lagarab galo masuliyada culus oo bulshada u qabtay, sidoo kale waxaan kawada hadalnay marxalada siyaasadeed ee dalka Gaar ahaan Arimaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayuu yiri” Guddoomiye Cusmaan Barre.

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ku wehliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka & Wasiiru Dowlaha Kalluumeysiga  Kheyraadka iyo badda Hir-Shabeelle  Axmed Cabdi Cali.