Ciidanka Dawlada oo Lawareegey Deegaanka Leego Ee Gobalka Shabeelada Hoose.

0
86

Wararka aan ka heleyno deegaanka Leego ee hoostega degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas duhurnimadii Maanta ay la wareegeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB.

Ciidanka DANAB ayaa deegaanka Leego qabsaday iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, waxaana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo muddo gacanta ku haayay.

Taliyaha Booliska degmada Wanla-weyn Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sheegay in Ciidanka DANAB ay ku sugan deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay la wareegeen.

Sidoo kale Taliye Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in Ciidanka dowladda Federaalka ay deegaanka ka wadaan howlgalo baaritaano ah, isagoo tilmaamay in Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka ay isaga baxeen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa laba maalin kahor sheegay in howlgal laga fuliyay deegaan Leego lagu dilay 7 ka tirsan Al-shabaab ,kuwaasi oo dadka ku dhaqan leego ka qaadi jiray lacago, waa sida uu hadalka u dhigay.