DEG-DEG:-Qarax Qasaaro Geystay Oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho Iyo Faah Faahino Kasoo Baxaya.

0
48

Qaraxan Ka Dhashay Khasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Ayaa Goordhaw Waxa Uu Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Isgoosyada Baar Ubax Iyo Black Sea Gaar Ahaan Agagaarka Halka Loo Yaqaan Daallo ,

Sida Ay Wararka Star Fm Ku Heshay Qaraxan Ayaa Waxaa Fuliyay Qof Waxyaabaha Qarxa Jirkiisa Kusoo Xiray Kaas Oo Isku Qarxiyay Goob  Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Katirsan Nabad Sugida Soomaaliya Gaar Ahaan Kuwa Dhar Cad Ah.

Goobjoogayaal Aan La Xiriirnay  Ayaa Inoo Sheegay In Qaraxa Uu Ka Dhacay Geed Hoostiisa Ay Inta Badan Fariisan Jireen Ciidanka Dhar Cadka Ah, Waxaana Wararka Soo Baxaya Qaarkood Sheegayaan In Qaraxa Fulisay Haweeney Halka Dadka Qaarna Nin Sheegayaan.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega Oo Soo Gaaray Goobta Qaraxu Ka Dhacay Ayaa Goobtaasi Ka Qaaday Dadkii Ay Waxyeeladu Kasoo Gaartay Qaraxa, Walina Lama Oga Khasaaraha Dhabta Ah Ee Qaraxan Ka Dhashay.

Waxii Warar Ah Ee Kusoo Kordha Kala Soco Starfmsomalia.Com.