Donald Trump  loo Qaaday isbitaalka si loo Daweeyo, ka Dib Markii laga helay Xanuunka COVID-19.

0
52

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump  loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.

Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton, DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo cisbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.