Gawaari Siday Dhuxul oo Lagu Gubay Gobalka Shabeelada Hoose.

0
59

Ururka Alshabaab ayaa bilaabay markale inay ka joojiyaan dhuxusha gasha caasimada dalka ee Muqdisho kadib markii ay labo gaadiidka dhuxusha qaada ay ku gubeen deegaanka Yaaq-Bariweyne ee gobolka Sh/hoose.

Labadan gaari oo sida la sheegay in xilli habeenimo ah lagu joojiyay waddo carri ah halkaa oo lagu gubay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdaasi ay jirdil u geysatay qaar ka mid ah dadkii watay gaadiidkaas, halka qaarna ay ka baxsadeen goobta, iyagoo ka baqaya inay waxyeello soo gaarto.

Dhoor bilood ka hor ayaa sidaan oo kale alshabaab ay ugubeed gaadiid waday dhuxul oo u socday magaalda muqdisho iyaga oo dadkii saarnaa gaadiidkaasi qaana la dilay halka kuwa kale ka baxsadeen.