Guddiga Farsamada Soo Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Hirshabelle oo Kulumo Bilaabay.

0
65

Guddiga Farsamada soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Hirshabelle oo dhowaan gaaray xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa bilaabay kulamo ay albaabada u xiran yihiin iyadoo ay haatan marayso meel gabagabo ah qorshaha soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Kulamadan uu guddigu yeelanayo ayaa waxaa shir gudoominayay guddoomiyaha guddiga Cismaan Maxamed Muqtaar ”Cismaan Baarey” iyadoo kulamadaa loogaga hadlay sidii guddigu uu soo saari lahaa jadwalka howlaha horyaala.

Ilo ku dhow dhow guddiga ayaa sheegaya in guddigu uu dhowaan soo saari doono jadwalka soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayna xareyn doonaan oday dhaqameedyada soo xulaya xildhibaanada.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle iyo guud ahaan magaalooyinka hoos yimaada maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan beelaha kuwaasoo ka arrinsanayaan xubnaha ay u xulayaan inay ku metelaan baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle.