Madaxweyne Geele oo la Kulmay Xasan Ali Kheyre.

0
93

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa maalin ka hors afar aan horay loo sii shaacin ku tegay dalka Jabuuti, halkaas oo la sheegay in uu ka bilaabayo ololihiisa doorashada, maadaama uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre safarka uu ku tagay magaalada jabuuti ayaa noqonaayo safarkii u horeeyey oo uu dalka ugu baxo intii uu xilka baneeyey.