Ra’iisulwasaar Rooble oo Sidiiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kuwait(Sawirro).

0
66

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda uu la kulmi doono.

Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto, waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carabta iyo Islaamka.