Cuba oo Dawlada Soomaaliya Kala Hadashay Siideenta Dhaqaatiir udhalatay Dalkaasi.

0
74

Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ka wadahadlay sida loo soo furan karo dhaqaatiir u dhalatay dalka Cuba oo AlShabab ka soo afduubteen wadanka Kenya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa xiriir telefoon la sameeyay dhiggiisa Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay kawada hadleen habka loo soo furan karo dhaqaatiir u dhalatay dalkaas oo gacanta Al-Shabaab ku jira muddo sanad ka badan.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka Wasiirka Arrimaha Dibbada Cuba Bruno Rogriguez ayuu ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya uu kala hadlay qaabka loo fududeyn karo soo deynta Assel Herrera & Landy Rodriguez oo ah labada dhaqtar ee Afduubka ku maqan.

“Xiriir telefoon ayaan la sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan u bandhigtay qorshaha iyo talada lagu soo furanayo dhaqaatiirta laga soo afduubtay Kenya ee afduuban, waxaana bogaadinayaa taageerada DFS & ka go’naanta tallaabada lagu soo deynayo maxaabiista” Sidaasi waxaa qoraal ku yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba.

Cuba ayaa dooneysa in iskaashi saddex geesood ah loo adeegsado soo furashada labada Dhaqtar ee Gacanta Al-Shabaab ku maqan, maadaama Soomaaliya, Kenya & Cuba isku xirkooda lagu dhalin karo xorriyada labada dhaqtar.

Labadan dhaqtar Assel Herrera & Landy Rodriguez ayaa xogtooda la waayay bishii April sanadkii hore 2019-kii oo ku beegan markii la afduubtay iyaga oo ku guda jira howlaha gargaarka bani aadamnimo ee deegaannada Kenya dhinaca Soomaaliya.