Howlgalo Ciidamada Xooga Dalka ay Ka Sameeyeen Gobalka Shabeelada Hoose.

0
101

Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Tuulooyin Hoostaga Bariire.

Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay   ay soo galeen  xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay labo ruux oo ka tirsan Shabaab.

Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii Howgalinta  Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka Shabaab ee gobolka Shabeellada hoose.

Labada labada ruux ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay  Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta Al-Shabaab  iyo Qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay warkaan kasoo baxay Ciidanka ee ku aadan in ay dileen Saraakiil ka tirsan Shabaab.

bilihii udanbeyey ayaa ciidamada xooga dalka waxa ay howlgalo is daba jooga kawadeen gobalada dalka kaas looga soo horjeedo alshabaab.