Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland oo La Doortay.

0
99

Munaasabadda lagu dooranayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo , waxaana ka qeyb galay ganactada deegaanada Jubbaland.

Musharaxiinta u tartamayay xilka guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland oo kala ahaa Xuseen Raabi Kaahin iyo Diinle Maxamed ayaa codka loo qaaday, waxaana guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga Jubbaland loo doortay Xuseen Raabi Kaahin oo helay 51 cod halka Diinle Maxamed uu ka helay 19 cod, guud ahaan 70 qof oo codeysay.

Ganacsatadii munaasabadda kasoo qeyb gashay ayaa boggaadiyay Guddoomiyaha cusub una rajeeyay inuu kasoo baxo shaqada adag ee loo igmaday.

Rugta ganacsiga Jubbaland ayaa bulshada u qabata adeegyo badan oo ay ugu horeeyaan ka warheenta xaaladda ganacsatada,xalinta khilaafaadka, iyo maalgalinta iyo kor u qaadidda ganacsatada yaryar, iyadoo la kaashaneysa shirkadaha dhaqaalahoodu uu sareeyo.

Dhawaan ayey ahayd markii Al-shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku dileen guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland, Allaha u naxariistee Shaafi Raabi Kaahin oo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadda Jimcaha.