Israsaaseen Ku Dhexmartay Ciidanka Booliska iyo Kooxa Burcad Ah Magaalda Muqdisho.

0
117

Iska hor imaadkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo Koox Burcad ah uu ku dhex-maray degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

iska hor imaadkaan oo ka dhacay Xaafada Xoosh ayaa waxaa u yimid, kaidb markii Ciidamada Booliska oo waday howlgallo ay la kulmeen Koox Burcad ah oo dhac u geysanayay dad saarnaa gaari nooca raaxadaha ah,waxaana halkaasi ku dhexmaray israsaaseyn geystay khasaaro.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo isugu jira labada dhinac iyo dad Shacab ah.

Degmada Dharkeenleey dadka ku nool ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ka cawdeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanaya.