Shaqaalaha Dowlada oo Lamarsiinaayo Baaritaan Dhanka Amniga Ah.

0
31

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaano dhinaca amniga ah ay mari doonaan dhammaan shaqaalaha hay’addaha dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Siihayaha Wasiirka Shaqada Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa lagu sheegay in shaqaalaha DFS baaritaano amni lagu sameeyn doono, isla markaana lala yeelan doono wareysiyo lana diiwaan gelinayo, si loo hubiyo macluumaadkooda saxda ah.

Baaritaanada ayaa waxaa sameyn doona hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA iyadoo shaqaalaha laga codsaday inay la shaqeeyaan NISA.

Shaqaalaha dowlada federalka Soomaaliya ee magaalad Muqdisho ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ku jiraan xubno badan oo ka tirsan AL-Shabaab.