DEG DEG:-Waxaa Goor Dhaweed Geeriyooday Cali Khaliif Galeyr.

0
85

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Jig-jiga ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Warkan oo goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in Cali Khaliif uu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa isbital ku yaal magaalada Jigjiga.

Marxuumka ayaa horay waxaa uu xilal uga soo qabtay Dalka Soomaaliya, waxaana mar uu ahaa hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatuma State oo ka arrimin jiray Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana uu Soomaaliya uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa intii u dhaxaysay 8-dii October 2000 ilaa 28-kii October 2001-dii Dawladii uu hogaaminaayey dr cabdiqaasim salaad xasan oo lagu soo dhisay dalka jabuuti.