Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo Laga Soo Dajiyey Meydka Cali Khaliif Galeyr

0
58

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow  kasoo degtay diyaaradii siday Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo maalin kahor ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta DDS Itoobiya.

Waxaa Garoonka diyaaradaha ku sugan Guddiga qaban-qaabada Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Salaada Janaasada ayaa waaxa Meydka Cali Khaliif Galeyr lagula dukan doonaa gudaha Garoonka, iyadoona  intaas kadib Aas qaran loogu sameeyn doonaa Qabuuro ku yaalla Muqdisho, isla markaana waxaa la filayaa in Aaska ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sarreeysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la filayay in Meydka Marxuum Galeyr la keeno Muqdisho, hayeeshee dib ayaa loo dhigay, xili qoyskiisa ay dalbadeen in baaritaano kale lagu sameeyo geeridiisa.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maalintii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay shaaciyay in Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo haayay laba maalmood, waxaana shaki badan laga muujiyay geerida Marxuumka.