Degmada Beled-Xaawo oo Ciidamada Dawlada Ay Kawadaan Howlgalo.

0
37

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgalla degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka bilaabeen xaafadaha iyo wadooyinka degmadaas.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay wadooyinka Beled-Xaawo ka sameeyeen howlgallo lagu baarayo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, halka xaafadaha qaar ay Ciidamada howlgallada ka sameeyeen.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Qaranak ee degmada Beled-Xaawo Cabduqaadir Xuseen Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay in Al-Shabaab falal amni daro ka geystaan  degamdaas.

Waxaa uu sheegay in Degmada Beled-Xaawo ay leedahay labada cadaw , in kastoo uusan faah faahin, waxaana Bulshada ku nool degmada Beled-xaawo uu ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan Amniga.

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haaya Ciidamo ay dowladda Soomaaliya degmadaasi geysay, iyaga oo dagaal ugala wareegay Ciidamo uu watay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya.