Doon sidday muhaajiriin oo gaaraya 110 qof ayaa ku degtay badda dalka Liibiya, sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Talyaaniga.
BBC-da ayaa sheegtay Doonta degtay inay la socdeen dad gaaraya 110 qof, waxaana la badbaadiyay 26 ruux, halka 84 kale ay ku dhinteen Badda, kadib markii ay degtay Doontii ay saarnaayeen dadkaasi.
Sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga, ciidammada ayaa sheegay in ay shilkaas ku dhinteen gabi ahaanba dadkii kale ee saarnaa doonta, waxaana ciidanka si gurmad ah ay ku soo badbaadiyeen 26 qof oo Taleefoonka kula soo xiriiray.
Doonta oo ka amba baxday Liibiya, una socotay Yurub ayaa ku degtay meel afar mayl uun u jirta xeebta magaalada Sabrata ee dalka Liibiya.
Ilaa hada waxa aanan faah-faahin rasmi ah aanan laga helin dadkii saarnaa Doontaasi iyo dalalka ay u kala dhasheen iyo sidoo kale rag iyo dumar inta ay tiradooda kala tahay.
Badda Liibiya noqotay waddada muhaajiriinta ugu badani ay u maraan Yurub, intii ka dambeysay heshiiskii Turkiga iyo Midowga Yurub ee xakamaynta dadka tahriibka ah.
Dad badan oo dalalka Afrika ka tagay ayaa ku sugan dalka Libya, kuwaasi oo weli haminaya inay tahriibaan oo ay naftooda ku qatalaan Badda Mediterranean-ka.