Wararka
Maamulka Gobolada Dhexe oo amaro dul dhigtay Warbaahinta ka shaqeysa deegaanada ay ka arimiyaan
Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa awaamiir dul dhigay Warbaahinta ka howlgasha deeganada Maamulkaasi, sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan maamulkaas
Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in Warbaahinta deeganada Maamulka Gobolada Dhexe maamusho ka howlgasha aysan baahin karin wararka ku saabsan ciidanka Maamulka Gobolada Dhexe.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in Warbaahinta aysan tabin karin wararka ku aadan tirada ciidanka, halka ay ku sugan yihiin, awood ahaan hubka ay haystaan iyo guud ahaan arimaha ciidanka ku saabsan.
“Marka la leeyahay Sirdoon ciidan waa arin Milateri ciidanka meesha degan inta uu la eeg yahay hubka ay haystaan iyo arimahaasi waad dareemi kartaa hadii Saxaafadda ay ka hadasho ciidan meel degan hubkaas ayey haystaan ay dhahdo Saxaafadda lafteeda uma roono dishbiliin ahaan, marka ma tabin karaan ilaa Maamulka ay kala soo xiriiraan.” Ayuu yiri Sarkaalkaan oo u waramay Idaacada Starfm.
Deeganada Gobolada Dhexe ee ay maamulaan waxa ku yaallo xarumo Warbaahineeda, waxaana hadalkaan Maamulka Gobolada Dhexe kasoo baxay uu noqonayaa mid saameyn ku yeesha xarumahaasi Warbaahineed.
Xoogaga hubaysan ee Somalia ku sugan ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haya Warbaahinta oo ku shaqeysa marxalad adag, marka loo eego qataraha ay la kulmaan Suxufiyiinta.
Lama oga sida uu ku dhaqangeli doono amarkaan Maamulka Gobolada Dhexe ay dul dhigeen Warbaahinta ka shaqeysa deeganada ay maamulaan
Wararka
Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada XFS.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,
Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.
Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah
Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi
Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya;
Ugudanbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.
DHAMAAAD
Wararka
Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.
Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.
Barnaamijyo Isbuucle
Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka4 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka6 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement
-
Barnaamijyada2 years ago
DHAGEYSO:-Barnaamijka Barqo-Wanaagsan