Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida Dowladda Soomaaliya oo gaartay magaalada Jowhar ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridey askar lagu soo eedeeyay in ay fududeeyeen sidii loogu gudbin lahaa maandooriyaha xashiishada magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida darajada koowaad G/dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhowaaqay xukunka Maxkamada waxana uu sheegay in saddex ka mid ah ciidamada xoogga dalka lagu helay dambi ah inay fududeeyeen in maandooriyaha xashiishada si qarsoodi ah loo geeyo magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dambiilayaashan xukunkooda yahay min 10 sano oo xarig ciidamadeed ah Qodobada 319,320,321,322 ee xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida.
Askartan lagu xukumay xariga ayaa kala ah Laba Alifle Barrow Muudey Axmed oo 55 sano jir ah,Cabdrashid Raagge Xaashi oo 28 jir ah iyo Awalow C/qadir Maxamed ayaa la soo bandhigay hub ay isticmaalayeen iyo 57 kiilo oo ah maandooriyaha xashiishada.
Goob fagaare ah oo lagu gubay maandooriyahan xashiishka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada Jowhar.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay ciidamada ku guuleystey in ay wax ka qabtaan askar baraha koontaroolada ka gudbinayay maandooriyaha xashiishada ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana xukun sharci ah ku ridday.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa markale uga digey dadka abuura maandooriyaha xashiishka isagoo sheegay in lagala wareegi doono beerta xashiish lagu arko isla markaana sharciga la marsiin doono cidii lagu arko iyadoo beereysa ama isticmaalaysaba,
Deegaano ku yaal hareeraha wabiga Shabelle ee degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa si dhuumaalaysi ah waxaa loogu beeraa maandooriyaha xashiishada iyadoo dadka beertana ay u iibgeeyaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalke ee dalka Soomaaliya,






