Nala soo xiriir

Wararka

Abaanduulaha Ciidamada Gaashaandhigga Talyaaniga oo booqasho ku yimid Muqdisho

La Qoray

on

Abaanduulaha Ciidamada Gaashaandhiga Talyaaniga Maj. Gen. Claudio Graziono ayaa maanta booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenkiisa, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal, dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka, iyadoo Talyaaniga uu hogaaminayo howl galka Tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, kaasoo sanadkii la soo dhaafay loo soo raray Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Talyaaniya Soomaaliya ka filaneyso kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Wafdiga ayaa xusay in booqashadani ay sii xoojin doonto taageerada dawladda Talyaanigu ay siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xiriirka laba geesoodka , kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya , taageeridda Ciidamadda Xoogga dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

“Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Muqdisho Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah noogu yimid. Waxaa dalka Talyaaniga nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan oo ay mar walba noogu garab taagan yihiin dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen dhismaha ciidanka Xoogga dalka. Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo saaxiib ah oo aan kala maarmin” ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Maxamed Aaden Axmed, ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay guulo laga gaaray dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo hadda deegaano badan oo horey kooxaha nabada diidan ugu sugnaayeen ay ka xoreeyeen dibna loogu soo celiyeen noloshii, taas oo ka dhigan in Ciidamaddu ay u heelan yihiin difaaca dalkooda, loona baahan yahay in la siiyo taageero dhamaystiran. Wuxuna mahadcelin u jeediyey dawladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan ciidanka Xoogga dalka.

Abandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Muqdisho, wuxuuna sheegay in imaashiyihiisa ay ka dambeesay kadib iskaashi ballaaran oo dhex marey labada dawladood gaar ahaan Wasaaradaha Difaaca ee Talyaaniga iyo Soomaaliya.

gashandhig-1

gashandhig-2

gashandhig-3

gashandhig-4

gashandhig-5

gashandhig-6

gashandhig-7

images (1)

images

Iraq-Forces-170x114

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Dil ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goordhow Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dilka loo geystay Ninkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob dukaan ah oo uu ku lahaa Xaafadda Wadajir Gaalkacyo dhanka xiga Galmudug, isla markaana u geeriyooday xabbado dhowr ah oo lagu dhuftay.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Shire (Seetar), waxaana goobta uu falkaas ka dhacay durbo ka baxsaday raggii hubeysnaa ka dambeeyay falkaas oo watay Bastoolado.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ay qaadeen Meydka Marxuum Cabdinaasir Maxamed.

Si kastaba weeraro iyo dilal qorsheysan ayaa horey sidaan oo kale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in falalkaas dhacay oo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo dad kale ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

sii aqri

Wararka

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal kafuliyeyb shabeelada hoose

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciidanka Kumaandooska DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorsheyn kafuliyeen deegaanka Yaaqbiri- Weyne oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa u kuurgelida xaaladda degaanka oo maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab dadka Shacabka ah ka barakicinayeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday dhanka waaxda Arrimaha Bulshada Ciidanka Kumaandooska DANAB ay u fidiyeen dadka deegaanka Yaaqbiri-Weyne kaalmo cawinaad ah,.kuwaas oo ay heeysatay xaalado kala duwan.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaan ilaa ay ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhowr jeer ayaa degaanka Yaaqbari- Weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi weeraray.

sii aqri

Wararka

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan Laqaatay Safiirka Itoobiya U Fadhiga Soomaaliya.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda ee Magaalada baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb,  Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay wehlinayeen Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Safiirk Cabdifitaax ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed l(aftagareen) ayaa uga mahad celiyay dowladda Itoobiya taageerada dhanka Amniga ah oo ay siiso Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu ka dalbaday inay sii kordhiyaan.

Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb,  Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo, isla markaana ay sii wadi doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM ay ka joogaan degaano badan oo ka tirsan degmooyinka Baay iyo Bakool, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka19 hours ago

Dil ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka21 hours ago

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal kafuliyeyb shabeelada hoose

Wararka22 hours ago

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan Laqaatay Safiirka Itoobiya U Fadhiga Soomaaliya.

Wararka22 hours ago

Garoonka diyaaradaha Buulo-burte Oo Burbur Xoogle Soo Gaaray(Sawirro).

Wararka23 hours ago

Booliska Canada Oo Dad U Sooqabay Dilkii Muwaadin Soomaaliyeed.

Wararka23 hours ago

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidanka Kenya Ee Kusugan Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka23 hours ago

Maamulka Puntland Oo Sheegatay in Khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu Xalindino Garoowe.

Wararka4 days ago

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka4 days ago

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Wararka4 days ago

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

Wararka5 days ago

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Oo Laga Dalbaday Soo Gudbinta Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub.

Wararka5 days ago

Guddoomiye Barlamaanka Oo Maanta kulan la Qaatay Safiirka cusub ee Sweden.

Wararka5 days ago

Maalintii Labaad Oo Lagu Wada in Ay Ka Qabsoonto Doorshada Magaalada Jowhar.

Wararka5 days ago

Turkiga Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqisho.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Ka Jawaabay Gudigii Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka5 days ago

Muuse Suudi Oo Mar Kale loo Doortay Senator Aqalka Sare Ee Hirshabeele Matala.

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Sweden(Sawirro).

Wararka6 days ago

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Bilaawanaysa Magaalada Jowhar.

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gudi U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliil.

Wararka1 week ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday QM

Wararka1 week ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socdo Qaramada Midoobey.

Wararka1 week ago

Ciidanka Xooga Dalka Ee DANAB Oo Degaano kala Wareegay Al-Shabaab.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco