ababarihii Hore Ee Real Madrid Ee Jorge Valdano Oo Neymar Jr Ku Taageeray Abaal Marinta Ballon d’Or-ka Isaga Oo Sheegay In Sanadkii Ugu Horeeyay Ee Barcelona In Uu Ahaa Xidig U Adeegayay Messi
Jorge Valdano ayaa sheegay in sandkii ugu horayasay ee uu Neymar ku soo biiray Barcelona in uu ahaa xamaal ama adeegi Lionel Mesii u shaqaynayay halka uu intaa raaciyay in hadda xidiga ree Brazil uu u ciyaarayo isaga oo og in uu yahay xidiga ugu fiican. Neymar ayaa loo arkaa xidiga xiga ee Ballon d’Or ka qaadi kara Messi iyo Ronaldo.
Jorge Valdano ayaa yidhi: “Wax xiiso leh ayay ahayd in aan aragno Neymar oo goobjooge ka ahaa abaal marintii Ballon d’Or 2015, saddex sano gudahood waxaan arki doonaa isaga oo stage-ka ku qaadanaya abaal marinta Ballon d’Or-ka. Neymar si koraysa ayuu sanadkasta u maamulayaa”. ayuu Valdano u sheegay Record.
Jorge Valdano ayaa ka hadlaay qaabkii uu Neymar ahaa markii uu Barcelona ku soo biiray iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray wuxuuna yidhi: “Xili ciyaareedkii ugu horeeyay waxa uu ahaa kaliya adeegi Messi u shaqeeya, laakiin sanadkii labaad waxa uu isku badalay saaxiib Messi ay wada shaqeeyaan, halka uu hadda wax kasta haysto sababtoo ah waxa uu dareemayaa in uu yahay kan ugu fiican” .
Jorge Valdano ayaa intaa raaciyay in kubbada Neymar ay tahay mid lagu raaxaysto wuxuuna yidhi: “Kubbada cagta Neymar waa mid raaxoleh, waa hal abuuraa, sababtoo ah waxa uu awoodaa in uu mideeyo farsamadiisa saraysa iyo qiyaasta ciyaartsiisa, waa wax dabiici ah, qurux badan oo waxtarleh”.