Taliska Ciidanka Midowga Afrika, ayaa dib u gurashada ay ka sameeyen qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose waxay ku sheegeen dib u habayn lagu samaynayo Xoogagooda.
Afhayeenka Ciidanka Amisom, Korneyl Paul Njuguna, ayaa meesha ka saaray Amisom inay ka baxday goobo badan, balse goobaha ay Ciidankoodu ka soo baxeen ay keentay baahi loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo.
“Marka ugu horeyso kama aanu bixin meelo badan, sidaan dhowr jeer oo hore u sheegnayna waxaan dib u qaabayn ku samaynaynaa Ciidamadeena xeryaha ku jira. Waana qayb ka mid ah istiraatiijiyadeena militari.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Amisom oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA.
Afhayeenka, ayaa yiri “Waxaan u baahanahay inaan dib u abaabulno Ciidamadeena, si aan xaqiijino guushooda. Miraha dib u habaynta socotana waxaa la arki doonnaa toddobaadkan.”
Mar la weydiiyay sababta keentay in Al Shabaab weeraro kula wareegto Xeryaha Amisom, laguna dilo tiro ka tirsan askartooda, ayaa waxa uu wararkaasi ku tilmaamay kuwo dacaayado ah.
“Wararkaasi waa qayb ka mid ah dacaayadda la adeegsanayo. Al Shabaab ma awoodaan inay tiro badan nagu soo weeraran. Laakiin waxay adeegsadan xeelado ay ka mid yihiin inay hub fara badan iyo qaraxyo mar qura wax ku soo weeraran, si loogu maleeyo inay badan yihiin.” Ayuu yiri Paul Njuguna.
Korneyl Njuguna, ayaa intaa intaa kud aray “Malaha awood ay iyagoo tiro badan nagu soo weeraran, oo aan hadana la ogayn. Marka waa dacaayado uun aan maq maqleyno oo ah inay illaa iyo laba boqol oo askari meelaha qaar nagu soo weeraren. Tiradaa iyo awooddaa malaha Al Shabaab.”
Labaatankii maalmood ee ugu dambeysay, ayaa waxay Ciidanka Amisom isaga soo baxeen illaa afar goobood ah, oo ay kaga sugnaayen Gobolka Shabellaha Hoose. Waxaana loo arkay mid ka dhalatay culeys ka soo fuuray dhinaca Shabaab.