Nala soo xiriir

Wararka

Agaasimihii hore ee Nabadsugida Qaranka Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaliil weyn u jeediyay hey’adaha ammaanka dowladda

La Qoray

on

Agaasimihii hore ee Nabadsugida Qaranka Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaliil weyn u jeediyay hey’adaha ammaanka dowladda, isagoo sheegay in Ciidamada ay lumiyeen bartilmaameedkii looga baahnaa inay wajahaan.

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu kaga hadlay weerarada Al-Shabaab ay muddooyinkii u dambeysay ka geysaneysay magaalada Muqdisho iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.
Amb. Axmed Macalin Fiqi oo hada ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir ayaa sheegay in Al-Shabaab ay 10-kii sano ee u dambeysay ay ahaayeen caqabada hor-taagan nabadgalyada Soomaaliya, isla markaana ay sanadkan wax ka bedeleen istiraatiijiyadooda.

“Al-Shabaab waxay ahaayeen mudadii 10-sano ee u dambeysay caqabada Soomaaliya nabadgalyadeeda hortaagan, marxalado badan ayay soo mareen, marxalado ay aas-aasmayeen, marxalado ay qaab dhismeedkooda dhisayeen, marxalad ay faafayeen oo ay kobcayeen iyo marxalad ay dib u gurasho ay galeen wixii ka dambeeyay anadkii 2011, laakiin sanadkan cusub waxaa moodaa istiraatiijiyad cusub iyo qaab cusub inay la soo baxeen howl galadooda wax badan ka bedeleen iyo meelaha ay beegsanayaan”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Mar la weydiiyay sababta ka dambeysa in howl galadii Al-Shabaab wax ka bedeleen, qaabab cusub la soo baxaan ayuu sheegay inay tahay hogaankooda oo horay ku kala mashquulsanaa magaalooyinka inta aan laga saarin ay hada fursad u heleen inay isugu tagana duurka iyo tuulooyinka oo fikradooda iyo maskaxdooda isku darsadaan, isla markaana ka baaraan-dagaan meelaha ay weerarayaan.

“Mida koowaad waxaa ku macneynayaa, iyagoo magaalooyinka waa weyn ee ay ku kala sugnaayeen hogaankooda kala joogeen oo ay ku kala mashquulsanaayeen maskaxdooda iyo hal abuurkooda kala firirsanaa ayaa intee soo baneeyeen oo laga soo qabsaday ayay isugu tageen tuulooyinka iyo duurka, taasi waxay keentay inay si aad ah u fikiraan, isku maskax darsadaan, meelaha ay tooganayaan iyo meelaha ay weerarayaan xoogooda iyo maskaxdooda mideeyeen, ciidamada tirada badnaa ee weerarka abaabulan qaadi jiray inay yareeyeen oo furimihii hore ka baxeen, taasi waxay keentay cududooda iyo maskaxdooda inay dib u heleen inay dib u maareeyaan, inay qaabeeyaa waana mida keentay ciidamada amisom meelihii halbowlaha ah sida hotelada iyo madaxtooyada iyo meelaha waa weynaa inay weeraraan”ayuu yiri Axmed Fiqi.

“Mida labaad xaga ciidamadeena amniga ayay la xiriirtaa, inkastoo ay dadaalayaan ciidanka, istiraatiijiyadii ciidanka iyo amniga, hey’ad ma noqon ee waxay noqdeen wax ilaaliya kooxda xukunka joogta, waxay lumiyeen halbeegooda, waxay mudnaantooda koowaad siinayaan inta badan dadka nidaamka dhaliila ayaa ayaga u ah cadawga koowaad, marka waxay lumiyeen meeshii rasmiga aheyd ee in la wajahao la rabay iyo isiraatiiyad guud”ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Amb. Fiqi.

Mar uu ka hadlay Xukuumadda Cumar Cabdirashiid ayuu ku dhaliilay in hab maamulkeeda uu yahay mid aad u hooseeyaa, isagoo tusaale u soo qaatay markii Ra’iisul Wasaare loo magacaabay inuu mushaarkii Ciidamada go’ay, isla markaana ay dib u soo xusuusisay dalka xilliyadii 2009-2010 oo dadka ugu badan ee Xildhibaanada iyo dadka kale ee muhiimka ah la dilo ay aheyd, haatan ay sidii oo kale arkayaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay habkii ay ula macaamili jireen xilligii uu ahaa Madaxa Sirdoonka ayuu xusay in shaqo maalinle la qaban jiray, xilliyadii Shabaabka laga saaray magaalada oo furmiha dagaalka fogaadeen ay madaxda had iyo jeer booqan jirtay ciidamada oo moraalkooda la dhisayay, isla markaana ciidanka mooraalkooda uu ku jiro marka madaxdooda ay la nool yihiin, lana shaqeynayaan, isagoo tusaale u soo qaatay abaanduulihii hore ee maalin ka hor lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi Jen. Dhegabadan inuu ciidamada ku dhex jiri jiray sida uu yiri.

“Muhiimadaha naga maqan waxa waaye wadanka waxaa uu u baahan yahay ciidan amni oo howshiisa xooga la saaro, tan hada jirta waxay tahay amniga wax muhiimad ah ma siinayaan, marka eegto Wasaaradda Gaashandhiga sadex bog ayay ku soo koobtay qorshaheeda, mida koowaad waa isku dhafka ciidamada, xafiiska wasaaradda iyo mida saddexaad oo ah yaan caruurta la askareyn, marka waxay u baahan tahay in amnigii si weyn looga shaqeeyo, kadib ayay waxbarashadii, howlihii kaluumeysigii iyo caafimaad ayaa imaanaya”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyn Mar la weydiiyay waxa ay Al-Shabaab uga dhigan tahay inay weerareen Hotelkada ayuu tilmaamay in qorshahooda yahay meesha ay la damcaan iyo goorta ay damcaan inay fulin karaan, waxaana uu tilmaamay inay taasi sii dhiira gelinayso qeybtooda abaabulka iyo qorsheynta, isagoo xusay in labada sano ee sanadkan ka dhiman ay sii qorsheynayaan weeraro kale iyo sanadka soo socda oo xaalad kala guur la geli doono, is qab qabsi uu dhaco inay ka faa’ideystaan oo ay sii wadaan bartilmaameedkooda, wuxuuna ka digay wixii hada ka dhacay in kuwo ka daran ay dalka ka dhacaan.

sii aqri

Wararka

Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo Heshiis Gaaray.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dalka Sudan waxaa heshiis ku saxiixay militariga dalkaasi iyo guddiga shacabka, si loo soo afjaro is marin waaga siyaasadeed ee muddooyinkii u dambeeyey kajiray dalkaasi.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in dowlad cusub ay wada dhistaan militariga iyo rayidka, iyo in mudaddaasi lagu diyaariyo barnaamij kala guur siyaasadeed oo Sudan looga hergelinayo dowlad rasmi ah oo rayidku hoggaamiyo.

Muddo sabado ah ayaa waxaa khalalaaso siyaasaded iyo mid amni uu kajiraa dalka Suudaan, hayeeshee dhawaan la rajeeynayo inay dhammaadaan oo la dhiso dowlad ay ku midysan yihiin Millateriga iyo Rayidka.

sii aqri

Wararka

Midowga Afrika Oo Ka Hadlay La Wareegista Degmada Aadan Yabaal

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Howlgalka Midowga Afrika ayaa ka hadlay qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe, taasi oo dhawaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa dadka degaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab,  oo muddo dheer xarun ay u ahayd Aadan yabaal.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu bogaadiyay la wareegista Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmadaasi, waxaana bayaanka sidoo kale lagu sheegay in Howgalka Midowga Afrika ay kaalintooda ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay Al-shababa kala wareegeen degmada Aadan Yabaal waxaana degmadaas iyo degaaanada kale ee ku xeyran ay muhim u ahaayeen Al-Shabaab oo in muddoo ah ka talinyay.

sii aqri

Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Jabuuti Ku Wajahan

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan dalka Jabuuti, waxaana hadda socota qaban qaabada ku aaddan safarka madaxweynaha.

Ujeedka Safaraka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah, ka qayb galka munaasabadda xeritaanka Shirka Heritage, oo maal mihii aynu soo dhaafnay ka socday magaalada Djabuuti ee Caasimadda dalka jabuuti.

Waxaana horay Shirkaasi qayb ka ahaa Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Xasan Sheekh, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro,Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dalka Jabuuti uga sii gudbi doona dalka Mareykanka oo uu ka dhacayo Shirka Afrika iyo Mareykanka ee looga hadlayo arrimo uu qayb ka yahay Ganacsiga.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka4 days ago

Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo Heshiis Gaaray.

Wararka4 days ago

Midowga Afrika Oo Ka Hadlay La Wareegista Degmada Aadan Yabaal

Wararka4 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Jabuuti Ku Wajahan

News In English5 days ago

President Hassan Sheikh urges parliament to expedite bills to enhance al-Shabab fight

News In English6 days ago

Puntland State Leader Expected To Arrive In Mogadishu Today

Wararka6 days ago

Dowladda Norway Oo Dowladda Somalia Ugu Deeqday Lacag Dhan $30 Milyan Oo Dollar

Wararka6 days ago

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan Laqaatay WasiirAnne Beathe Tvinnereim.

Wararka6 days ago

Xukun lagu riday Askarigii Isbaaro kutaalla Balcad kudilay Darawalka

Wararka6 days ago

Madaxweyn Xasan oo Faah Faahiyay Sababta uu Muqtaar Rooboow ugu Soo daray Dowladdiisa

Wararka6 days ago

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Kusoo Wajahan Muqdisho Iyo Ujeedkiisa

Wararka6 days ago

Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

News In English3 weeks ago

Media Training on Reporting on Humanitarian Issues and Climate Change.

News In English1 month ago

SNA Soldiers in liberated Masjid Ali Gadud Receive Supplies Donated by Somali Diaspora in US

News In English1 month ago

Somalia’s president arrives in Egypt to attend COP27 climate summit

Wararka1 month ago

Shirkadda Kenya Airways Oo U Hanjabtay Duuliyayaasha Shaqo joojinta Wada

Wararka1 month ago

Xamse Barre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Jabuuti.

Wararka1 month ago

Gudoomiye Madaale Oo Shacabka Muqdisho Ugu Baaqay inay Qeyb Ka Noqdaan Dagaalka Ka Dhan ah Alshabaab.

Wararka2 months ago

Guri kuyaalla Magaalada Muqdisho Yaa waxaa Qabsaday Dab Xoogan.

Wararka2 months ago

DFS Oo Ka Hadashay Warbixintii Ugu Dambaysay Ee Hay’adda Lacagta Adduunka IMF

Wararka2 months ago

Dagaal Khasaare Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Koofurta Gobolka Hiiraan

Wararka2 months ago

Ciidanka Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Degaanka Moqokori Oo La Gaarsiiyay Sahay Iyo Dawooyin

News In English2 months ago

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

News In English2 months ago

Somalia among highly improved countries in open budget and transparency- According to Open Budget Survey.

Dhegeysi7 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi7 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka7 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka6 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka7 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Dhegeysi2 years ago

Wararka6 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi7 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka5 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka6 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

News In English2 months ago

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

Wararka5 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English7 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English7 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka5 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English7 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English5 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English5 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Wararka4 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Warbixinada5 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

News In English5 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Daalaco