Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ee Gobolada Dhexe ayaa maanta u diiday in deegaanadooda uu yimaado wafdi uu hogaaminayay Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo maanta lagu wado inay booqasho ku tagaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.
Sida ay sheegayaan wararka wafdiga uu hogaaminayay Axmed Cabdisalaan oo ay qeyb ka ahaayeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayaa maanta ka duuli rabay garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse
Ahlusuna ay ka hor-timid inuu ka soo dego Guriceel iyo Dhuusa Mareeb midkood.
Wararka ayaa intaa ku daraya Ahlusuna ay ciidamo fara badan geysay Garoonmada diyaaradaha Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, si ay is hor-taag ugu sameeyaan, hadii ay ka soo degaan.
Ilo ku dhow dhow Wafdiga Axmed Cabdisalaan Aadan uu hogaaminayay ayaa sheegay in socdaalkooda aanu aheyn mid siyaasadeedn, balse ay u socdaan kaliya indha-indheynta deegaanada ay u dhasheen.
Siyaasiga Axmed Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhowaa Culumaa’udiinka Ahlusuna, waxaana uu horay uga qeyb qaatay dadaalo nabadeed oo laga dhex waday Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ee dagaalamay Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.
Lama oga illaa iyo hada sababaha rasmiga ah ee Ahlusuna ugu diiday in deegaanadooda yimaadaan, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya inay u tagi rabeen deegaanadaas arrimo wada tashi.
Maamulka Ahlusuna ayaa ka soo hor-jeeda Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana uu horay ugu gacan seyray wada hadalo dhex mara iyaga iyo Galmudug.