Iska horimaad kulul, ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay weerareen kontorool Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin dhinaca galbeed ee degmadaasi.
Shabaabka weerarka soo qaaday, ayaa la sheegay inay wateen gaadiidka dadweynaha, iyadoo xilligii uu weerarku dhacayayna ay kala daadsanaayeen Ciidamada Dowladda.
Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay soo baneeyeen kontoroolkii ay ku sugnaayeen, inkastoo ay dib ugu laabteen markii uu gurmad xoogan soo gaaray.
Wararka, ayaa sheegaya Shabaabku in muddo kooban ay la wareegeen gacan ku haynta qaar ka mid ah xaafadaha ku yaala dhanka galbeed ee Degmada Afgooye.
Dagaalkan, ayaa dhaliyay khasaaro labada dhinac ah iyo weliba dadka rayidka, walow aan faah faahin laga hayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac, ayaa dhanka kale waxaa la’ogyahay dhimashada laba ruux oo rayid ah oo midi ay haweeney tahay iyo dhaawaca nin oday ah.
Shabaabka, ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Afgooye, waxaana uu weerarkan noqonaya kiisii saddexaad oo bishan oo keliya ay ka gaystaan degmadaasi.