Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Mudug, gaar ahaan duleedka Deegaanka Garacad, waxaa halkaasi ka socda dagaal u dhaxeeya Ururka Al Shabaab iyo ciidamada Maamulka Puntland.
Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa deegaan lagu magacaabo Dabagaro oo ku yaalo Duleedka Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Garacad waxaa shalay gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Cali Xersi (Qarjab) iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Generaal Siciid Dheere.
Ciidamada Guutada labaad ee Maamulka Puntland oo shalay gaaray Garacad ayaa qaaday saaka weerarkaan, kadib markii ay heleen ciidamada macluumaad ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Shabaabka duleedka Garacad ku sugan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland oo ku sugan Furunta dagaalka ayaa sheegay in dagaalkaan ciidankooda ay qaadeen, qorshahana uu yahay inay soo afjaraan Shabaabka halkaasi ku dhuumaaleysanaya.
Wuxuu sheegay Sarkaalkaan deegaanka lagu dagaalamayo inuu yahay Deegaan xiga dhanka Xeebta, oo leh geedo gaagaaban, balse aanan laheyn meel sidaasi loogu gambado.
Puntland ayaa sheegtay Shabaab inay si buuxda uga saareen deegaanka Togga Suuj ee Gobolka Nugaal, balse furun kale oo dagaal ayaa ka soo cusboonaatay Gobolka Mudug.