Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxa ay si rasmi ah uga hadleen Duqeynta Diyaaradaha aanan cidi wadin ee Drone-ka ay ka geysteen Xero ciidan oo ku taallo Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegan lagu magacaabo Raaso oo Mareykanka uu sheegay inay halkaasi ku dileen 150 Askari oo Shabaab ka tirsan.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhinaca howlgalada Ururka Al Shabaab ayaa Aljazeera u sheegay inay jirto Duqeynta Mareykanka uu ka geystay Gobolka Hiiraan, balse aysan jirin tirada Askarta Mareykanka uu sheegay in lagu laayay weerarkaasi.
“Amerikaanku riyo ayey ku jiraan, weligeen cadad intaas la eg oo ciidankeena ah ma isugu keenin mana ku kulminin hal meel, waan ka warqabnaa xaaladda amaanka” ayuu yiri Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab, Afayeenka ciidanka MujaahidiintaAlShabaab oo la hadlay TV-ga AlJazeera.
“Haa weerar waa uu dhacay, wuxuuna ka dhacay deegaanka ay sheegeen laakiin Numberka ay caalamka u sheegayaan in ay dileen waa been waxba kama jiraan ah.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abuu Muscab.
Shabaab ma aysan faah-faahin hadii Duqeynta Raaso ay ka dhacday cida lala eegtay iyo halka ay ku dhaceen Gantaalada Diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ay rideen.
Hadalka ka soo baxay Shabaabka ayaa muujinaya inuu jiro Khasaare soo gaaray Kooxda Shabaab, balse aysan cadeyn inta uu la eeg yahay Khasaarahaasi soo gaaray.
Mareykanka ayaa sheegtay in Duqeynta Raaso ka dhacday lagu dilay Askar gaaraysa 150 Askari oo ka tirsan Shabaab, kadib markii ay beegsadeen xero Millateri oo lagu diyaarinaayay ciidamo qaadi rabay weeraro.