Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay goor dhow la wareegen gacan ku haynta Degmada Kuntuwaarey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli ay maanta isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.
Ciidamada Huwanta, ayaa waxay u ruqaansadeen dhinaca Degmada Buulo Mareer Ee Gobolka Shabellaha Hoose, illaa iyo hadda lama garanayo waxa dhaliyay inay soo baneeyan Degmadaasi.
Ciidan dhinaca dhulka ah oo taabacsan Ururka Al Shabaab, ayaa gudaha u soo galay Degmadaasi, markii ay xaqiijiyen inay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.
Shacabka ku dhaqan Kuntuwaarey, ayaa waxay ku xaqiijinayan in Xoogaga Shabaabku ay la wareegen Degmadaasi, iminkana ay ku sugan yihiin.
Ciidamada Amisom, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay dareen ka muujiyen weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee maalin ka hor ka dhacay Degmada Janaale. Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan.
Weerarkaasi, ayaa waxay Shabaabku sheegteen inay ku dileen 70 ka mid ah Ciidamada Uganda, ee qaybta ka ah Xoogaga Midowga Afrika, waxayna tallaabadaasi ku sheegeen mid loogu aargudaayay dadkii ay ku dileen Magaalada Marka.
Xoogaga Al Shabaab, ayaa weerarkaasi ku qabsaday saanado militari oo Ciidamada Uganda ay lahaayen, ka gadaal markii ay xoog kaga qabsadeen Xeradii ay ka deganaayen Degmadaasi.