Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay dileen Askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo gaaraya 11 Askari, kadib dagaal ciidamada Shabaab iyo kuwa Kenya ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.
War kasoo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay labo weerar oo ka kala dhacay duleedka Degmada Baardheere iyo inta u dhaxeysa Deeganada Dhamase iyo Ceel Cadde lagu dilay Askartaan Kenyattiga ah.
Al Shabaab waxa ay sheegeen weerarka ka dhacay inta u dhaxeysa Dhamase iyo Ceel Cadde, gaar ahaan deegaanka Likooley lagu dilay ciidan Kenyan ah, kadib markii Xoogaga Shabaab weerar dhabo gal ah halkaasi ay ugu dhigeen ciidanka Kenyattiga.
Sidoo kale ciidamada Shabaab ayaa sheegtay weerar ka dhacay duleedka Baardheere inay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.
Ma jirto ilo ka madaxbanaan Shabaab oo xaqiijinaya in 11 Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ay ku dileen dagaalo ka dhacay Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Somaliya.
Guddoomiyaha Deegaanka Likooley ee Gobolka Gedo oo la hadlay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu jiro dagaal culus oo ciidamada Kenya saaka ku qabsaday deegaanka, balse waxa uu sheegay inuusan ka warami karin Khasaaraha soo gaaray ciidamada Kenya.
Maxamuud Nuur Cismaan, Guddoomiyaha deegaanka Likooley, ayaa sheegay Shabaab inay soo qaadeen weerarka, wuxuuna ka dhacay meel 5 KM u jirta deegaankaasi.
Saraakiisha ciidamada Kenya weli kama aysan hadlin dagaalkaan culus ee saaka ku qabsaday Gobolka Gedo.