Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay deegaan ka tirsan Gobolka Baay xukun dil ah kula rideen dhawr ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Sirdoonno caalami ah iyo kuwa maxalli ah.
Deegaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujirta 60-KM ayaa lagu dilay illaa 5 ruux oo Shabaab ay sheegeen in ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, Dowladda Federaalka iyo Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Qaadiga Maxkamadda Shabaab u qaabilsan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa fagaarihii dilku ka dhacaayay oo ay joogeen dadweyne fara badan ka akhriyay dambiga lagu soo eedeeyay Ragga lagu dilay deegaanka Iidaale.
Wuxuu sheegay Qaadiga Maxkamadda dhammaan raggan la soo eedeeyay in lagu helay dambigii lagu soo oogay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay.
Ragga Shabaabka ay toogteen ayaa waxa ay kala ahaayeen
Mahad Cali Xasan oo Shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray.
Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Federaalka.
Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland sida ay ku eedeeyeen.
Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda iyo C/casiis Ibraahim Maxamed oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed.
Ururka Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhawr jeer dilal toogasho ah ugu fuliyay rag isugu jira caddaan iyo Soomaali, kuwaasi oo Shabaabka ay ku eedeeyeen in ay warar hoose u gudbinayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Shisheeye.