Weli waxaa socota dood adag oo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ka leeyihiin sharciga Isgaarsiinta Qaranka, sharcigaan oo noqday mid adag oo Xildhibaanada Aragtiyo kala duwan ay ka dhiibteen.
Tan iyo markii Sharcigaan Baarlamaanka la horgeeyay waxaa jiray Xildhibaano badan oo is qoray si ay uga qayb qaataan dooda Sharcigaan ku saabsan, iyadoo weli aysan dhamaan tirada Xildhibaanada is qortay ee sharcigaan ka doodaysa.
Kulamadii ugu dambeeyay Baarlamaanka Somalia ay yeesheen ayaa looga dooday sharcigaan oo u muuqda mid adag, maadaama Somalia 25-kii sano ee lasoo dhaafay Isgaarsiinta Shirkado gaar ah ay maamulayeen oo aysan jirin Dowlad gacanta ku haysay.
Xildhibaanada Maxamed Cumar Maxamuud oo Habdhowrka Baarlamaanka ka tirsan ayaa Warbaahinta u sheegay Kulanka maanta ee Xildhibaanada inuu kula lamaanan yahay Ajandaha ah Su’aalo weydiinta Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali oo Xildhibaano isqoray weli ay dhiman yihiin inay su’aalo weydiiyaan.
“Maanta oo Isniin ah waxaa jira shirka Baarlamaanka, waxaa socotay dooda Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka halkeeda ayaa laga sii wadayaa, maadaama ay dhiman yihiin Xildhibaanno is qoray oo aan weli aragtidooda ka dhiiban Hindise sharciyeedkan iyo su’aallo weydiinta Wasiirka Waxbarashada oo shalay baarlamaanka hor timid.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan waxa ay geli rabaan fasax, waxaana la dedejinayaa Sharciyada horyaalla Baarlamaanka si loo meel mariyo, inkastoo Sharci waliba oo Baarlamaanka la horgeeyo uu marayo marxalado Akhrin oo saddex ah.
Kulamada Baarlamaanka ay ku yeeshaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa dhibaato ku qaba shacabka Somaliyed, maadaama wado muhiim ah oo xarunta Golaha shacabka hormarta loo xiro Xildhibaanada.