Nala soo xiriir

Ciyaaraha

Arsenal oo guuldaro ku bilaabatay horyaalka Premierka iyo Liverpool oo badisay (Sawiro)

La Qoray

on

Naadiga Arsenal ayaa guuldaro ku bilowday horyaalka Premier League kadib markii kooxda West Ham ay ugaga adkaatay 2-0.Guuldaradan ayaa ka timid qaladaad uu sameeyay goolhayahooda cusub ee Peter Cech oo kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League u qabtay kooxda Arsenal.

Weeraro badan oo ay kooxda Arsenal qaaday ayaan u suurtogelin inay gool ku dhaliso hase yeeshee intii aysan dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta ayaa gool loogaga naxsaday kadib qalad uu sameeyay goolhayaha ay 10ka malyan oo Gini ay ku soo iibsatay. Kooxda Hammers ayaa laad xor ah ka soo tuuraneysay meel 35 yard u jirta goolka iyadoo Payet uu kubada soo qaaday, Cech ayaa soo baxay waxaana uu kubada la waayay gacmaha taasoo keentay in Cheikhou Kouyate uu madax ku dhaliyo kubada oo uu dhex dhigo shabaqa faaruq ah.

Qeybtii labaad ayay Arsenal ku bilaabatay si dardar leh iyagoo doonayay inay barbareen ciyaarta, Oliver Giroud ayaana dhowr fursadood helay inkastoo uusan ka faa’ideysanin, fursadiisii ugu fiicneyd waxa ay aheyd daqiiqadii 55aad markii uu baas fiican ka helay Mesut Ozil laakiin darbadiisa waxa ay ku dhacday shabaqa dhinaciisa,

Fagfagtii Arsenal ayaase joogsatay daqiiqadii 57aad markii West Ham ay heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta, iyadoo Mauro Zarate uu kubada si sahlan kaga qaatay Oxlade-Chamberlain islamarkaana uu shabaqa durbadiiba toogtay iyadoo Petr Cech uu mar kale qalad goolhaye sameeyay isagoo u dhaqmay sidii inuusan kubada filaneynin oo kale.

Waxaana ay aheyd qaladkii labaad ee goolhaye ee uu sameeyay Cech oo ay Arsenal 10 milyan ginni ku soo iibsatay xagaagan. Arsene Wenger ayaana bedel ku keenay Theo Walcott iyo sidoo kale Alexis Sanchez iyadoo xiddiga reer Chile uu kursiga keydka u fadhiyay kaliya haddii ay xaalad degdeg ah dhacdo madaama uusan taam ahaansho buuxda heysanin, laakiin tababaraha Faransiiska ayaa isticmaalay xiddiga reer Chile madaama kooxdiisa labo gool looga hormaray. Arsenal ayaana cadaadis daran saartay West Ham kuwaasoo iyagana kubada si fiican u difaacanayay iyadoo Alexis Sanchez iyo Walcott ay wax ka bedeleen kubada weerarka ee kooxda Gunners.

Chamberlain iyo Walcott ayaana fursado dahabi ah helay inkastoo aysan gool noqonin. Taageerayaasha Arsenal ee garoonka Emirates ayaana la arkayay qaar badan oo ka mid ah iyagoo garoonka isaga sii baxaya ka hor inta aysan ciyaarta dhamaanin taasoo muujineysay sida niyadjabka leh ee ay kooxdooda ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka Premier League. Waxaana ay ciyaarta ku soo ildaatay 2-0 iyadoo West Ham ay badisay kulankii ugu horeysay ee London derby ee xilli ciyaareedkan, waxaana ay guuldarro badeen kooxda Arsenal kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka.

Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Stoke City oo ay marti ugu ahayd garoonkeeda Britannia Stadium , waxayna Reds kulan guusha ku gaartay gool layaableh oo uu udhaliyay Coutinho kaas oo kooxdiisa ka caawiyay inay ka soo aarsato kooxda Stoke City.

Inkasta oo ayna Liverpool kulankan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay ayay hadda soo qaadatay saddexda dhibcood ee yaalay garoonka Stoke City. Kooxda Liverpool ayaa xili ciyaareedka cusub ku bilaabatay garoonka garoonkii Britannia Stadium oo ay ay xili ciyaareedkii hore kulankii ugu danbeeyay ku ciyaartay isla markaan ay guuldaro 6 iyo 1 ahi kaga soo gaadhay kooxda Stoke City, waxayna Reds markan rajaynaysay inay dhinaca kale u dhigto natiijadii masiibada ahayd ee dhamaadkii xili ciyaareedkii hore ka soo gaadhay Stoke.Stoke City ayaa

kulankan la soo shirtagtay shaxdan.Sotke Tababare Rodgers ayaa kulankan shaxdiisa ku bilaabay afar ka mid ah saxiixyada uu xagaagan ay Liverpool la soo wareegtay, waxaana kulankoodii koowaad ee rasmi ahaa Reds u saftay ciyaartoyda kala ah Clyne,Gomez, Milner iyo Benteke oo hogaaminayay weerarka Reds.Roberto Firmino iyo Danny Ings oo iyaguna ka mid ahaa saxiixyada ay Liverpool xagaagan suuqa kala soo wareegtay ayuu Rodgers kursiga kaydka ku bilaabay.Xherdan Shaqiri oo muddo lala xidhiidhinayay kooxda Stoke City ayaa Kulankan taaraboonka ka daawanayay waxaana loo qaatay in Shaqiri uu ku soo biirayo kooxda Stoke City.

Qeybtii hore ayaa ku soo dhamaatay goolal la’aan aan wax gool ah la iska dhalin hase yeeshee markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu noqotay mid ka xamaasad badan sidii ay qaybta hore ee ciyaarta ahayd. Liverpool ayaa markiiba bilawday inay fursado abuurto isla markaana ay dhibato ku abuurto difaaca Stoke balse fursadaha ay Reds abuurtay ayaan wax faa’iido ah soo kordhin.

Daqiiqadii 63 aad ayuu Rodgers ciyaarta soo galiyay Emre Can isaga oo ku soo badalay Adam Lallana, waxayna Liverpool u muuqatay inay dardar fiican ka heshay Emre Can. Daqiiqadii 67 ayuu Coutinho kubbad fiican la soo dhex orday difaaca Stoke wuxuuna ku sigtay inuu fursad halis ah abuuro balse difaaca Stoke ayaa fursadiisa waxba kama jiraan ka dhigay.

Wax yar kadib Henderson ayaa fursad qaali ah kooxdiisa ka lumiyay. Si kasta ha ahaatee waxaa ciyaarta dhinac u rogay Philippe Coutinho oo daqiiqadii 86aad kubbad uu ka helay Gomez uu darbad xoog leh ku laaday goolka Stoke meel u jirta 25 yard waxaana uu awoodi waayay goolhayaha Stoke inuu xitaa kor marsiiyo birta waxana uu goolkaas noqday mid kooxda Liverpool uga dhignaa inay ka aargoosatay kooxda Stoke xilli ciyaareedkii hore. Kulan kale oo maanta dhacay ayaa waxaa isku arkay kooxaha Newcastle United iyo Southampton waxana ay ku kala baxeen barbarro 2-2 ah.

premier-tartan-1

premier-tartan-2

premier-tartan-3

premier-tartan-4

premier-tartan-5

premier-tartan-6

premier-tartan-7

premier-tartan-8

premier-tartan-9

premier-tartan-10

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Ciyaaraha

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta, waana dhacdada ugu weyn kubadda cagta taasoo afartii sanaba mar lagu qabto wadamada hoos yimaada ururka ugu sarreeya kubadda cagta FIFA.

Russia ayaa markii ugu horreysay martigalin doonta, waxeyna la ciyaari doonaan kulanka ugu horreeya dhigooda Saudi Arabia kuwaas oo qudhooda leh rajada fiican oo ay kusoo gaaraan wareega 16-ka koobka Aduunka.

Fanaanka caanka ah ee Robbie Williams ayaana madadaali doono qof walba oo ku sugan garoonka ama shaashadda ka daawanaya tartanka muddo 30-daqiiqo ka hor bilaabashada kulanka.

Xulka Russia oo aan guul gaarin shantii kulan ee ugu dambeysay ayaana doonaya iney iska dhaqaan ceebta ka heysata koobka Aduunka isla markaana ay dadkooda hortooda ku gaaraan guul taariikhi ah.

sii aqri

Ciyaaraha

Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Tababare Jose Mourinho ayaan dooneyn inuu iibiyo ciyaariyahankiisa reer France Anthony Martial, balse maankiisa badali kara hadii ay Red Devils hal shuruud kasoo baxdo sida ay warinayaan warbaahinta Ingiriiska.

Martial ayaa qaatay fasal ciyaareed aad u adag kadib markii uu waayay boos joogto ah, waxeyna xaaladda kusii xumaatay markii uu January kusoo biiray kooxda xiddiga mushaarka ugu badan kooxda ka qaata ee Alexis Sanchez.

Inuusan wax badan u ciyaaarin kooxdiisa waxey keentay inuu waayo ka qeybgalka koobka Aduunka maadaama Didier Dechamps uu watay ciyaartoy inta badan safka hore ka ah kooxahooda

“Kadib markii aan ka fakarnay dhamaan waxyaabaha suuragalka ah, Anthony wuxuu doonayaa inuu ka huleelo Old Trafford” ayuu yiri Philippe Lamboley oo la hadlayay RMC.

Kooxo badan oo qaaradda yurub ah ayaa doonaya xiddigaan waxaana ka mid ah Tottenham Hotspur iyo Juventus, kuwaas oo si fiican ugu qancay hanaan ciyaareedka xiddiga reer France.

Red Devils ma dooneyso iney xiddigeeda da’da yar fasaxdo, balse xaaladda ayaa kusii xumaaneysa maadaama kaliya 12-bilood uu kaga harsan yahay qandaraaskiisa.

Jose Mourinho wuxuu maamulka Red Devils ku wargaliyay inaan la iibin Martial, ama loo balan qaado in lacagaha lagu iibiyo farta laga saari doono si uu badalkiisa ugu soo iibsado.

sii aqri

Ciyaaraha

Ciyaaryahan Patrick Ekeng oo geeriyooday, xilli uu Kubad Ciyaaraayay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciyaar yahay u dhashay dalka Cameroon, ayaa geeriyootay xilli uu ciyaaraayay kubad dhexmaraysay horyaalka dalka Romania.

Patrick Ekeng oo Ciyaarta iyadoo socota bedel ku soo galay, ayaa wuxuu ciyaaray kaliya 7 daqiiqo kadibna mar kaliya ayuu miir daboolmay oo uu istaaga ka dhacay.

Dhaqaatiirta qaabilsan dhanka caafimaadka Ciyaartoyda ee Garoonka ku sugneyd ayaa durba ku soo yaacay Patrick Ekeng, hayeeshe marki ay hubiyeen ayeey xaqiijiyeen inuu geeriyooday.

Patrick Ekeng oo Ciyaartooy laacib ah ayaa la sheegay markii uu kubadda Ciyaaraayay inaysan jirin ruux kale oo ay isku dhaceen ama jug ka soo gaartay.

26-jirkaan dhintay isaga oo Kubadda Ciyaaraya ayaanan aheyn Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee geeriyooda, xilli kubadd ay socoto.

Sanadihii la soo dhaafay, tiro ciyaartooy Afrikaan ah ayaa dhintay xilli ay dheelayeen.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 years ago

Ammaanka magaalada Muqdisho oo saaka si weyn loo adkeeyay

Wararka3 years ago

Dowlada Soomaaliya oo heshiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga la gashay dowlada Denmark

Ciyaaraha3 years ago

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta

Ciyaaraha3 years ago

Tababare Jose Mourinho Oo Kaliya Hal Shuruud Ku Fasixi Doona Anthony Martial

Wararka3 years ago

Rabshado khasaare geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararka3 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 14-06-2018

Wararka3 years ago

Cabduweli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Gaaray Magaalada Kismaayo(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Gaas oo xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii Nabadsugida iyo Sirdoonka Puntland

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 13-06-2018

Wararka3 years ago

Wasaaradda Ganacsiga oo mamnuucay Bastooladaha iyo baaruuda Caruurta

Wararka3 years ago

Farmaajo ayaa xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culimada Soomaaliyeed(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Xasan Cali Kheyre oo xalay kormeero ku tagay xarumaha ciidanka Booliska(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Kim Jong-un oo diiday inuu isticmaalo qalinkii uu heshiiska ku saxiixay Madaxweyne Trump

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Warka Duhur Starfm 10-06-2018

Wararka3 years ago

(Eng. Yarisow) ayaa amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

Xasan Cali kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer amniga ku saabsan ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir

Wararka3 years ago

Ciidmada Dawlada iyo kuwa Mareeknaka Ayaa faarujiyey deegaanka Baar Sanguuni(Daawo Sawiro)

Wararka3 years ago

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay soo gaba gabeeyeen wajigii labaad oo ah shuruudaha Soomaaliya looga cafinayo deymaha

Wararka3 years ago

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho

Wararka3 years ago

Saraakiil Soomaali oo Tababar ciidan loogu soo gabagabeeyay dalka Turkiga(Daawo Sawiro)

Dhegeysi3 years ago

DHAGEYSO:-Barnamijka Saaka Iyo Star Fm 10-06-2018

Wararka4 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka4 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka4 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English5 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco