Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in xalay qarax bam lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo howlo shaqo ku jiray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Qaraxan ciidamada lagu tuuray, ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana wararka ay sheegayaan labo Askari oo ka tirsanaa ciidankii Dowladda ay halkaasi ku geeriyoodeen.
Guddoomiye ku xigeenka Dhanka amniga ee Maamulka Degmada Afgooye Yuusuf Maxamed Moordow,ayaa xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaan ciidamada xalay lagu tuuray.
“Waxaan maqalnay qarax, rasaas ayaa ka dambeysay, ka dib markii aan meesha tagnay waxaan aragnay Meydka Laba Askari iyo dhaawaca mid kale, ciidamadana waxay u gurmadeen dhaawicii amnigana waa la sugay.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Afgooye.
Raggii ka dambeeyay qaraxa lagu tuuray Ciidamada ayaa ka baxsaday meesha, mana aysan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo ragaasi.
Ciidamada ammaanka Degmada Afgooye ayaa saaka Magaaladaasi waxa ay ka wadaan howlgalo ammaanka Magaalada lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu raadinaayo dadka Shabaabka ka tirsan ee Magaalada ku sugan.
Afgooye dhowr mar waxaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka Somaliya.