Booliska dalka Britain ayaa baadigoob ugu jira saddex Gabdho Somali ah oo da’yar kuwaasi oo la la yahay dhowr maalmood, xilli dalkaasi horay ay uga ambabaxeen Gabdho iyo Wiilal Somaliyed oo Daacish ku biiray.
Afhayeen u hadlay Booliska, ayaa sheegay inay heleen macluumaadka ku saabsan gabdhahan in la la’yahay dhowr maalmood, hadana la bilaabay howlgal lagu raadinaayo.
Gabdhahan oo ah kuwa aad u da’yar ayaanan la ogeyn halka rasmi ahaan ay qabteen ama ay aadeen.
Gabdhaha la raadinaayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Saalax oo 15 jir ah iyo Fardowsa Xasan oo 13-jir ah, kuwaasi oo degganaa Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga Magaalada London.
Booliska waxa ay sheegayaan inaysan aaminsaneyn gabdhahaasi inay ka dhoofeen London oo ay meelo kale aadeen, hayeeshe waxa ay tuhun ka qabaan inay gabdhahaasi dhex jiifaan Basaska Magaalada ka dhex shaqeeya.
Saraakiisha Booliska waxa kale oo ay sheegayaan Fardowsa iyo Abir in la la’aa tan iyo Bishan December 6-deedii, halka Axlaam la waayay bishan 12-keedi.
Waalidiinta dhalay Gabdhahaasi ayaa ka walaacsan halka ay aadeen caruurtooda, maadaama ilaa hada aanan meel lagu sheegin.
Dhalinyaro badan oo ka tagtay Uk ayaa ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq, iyadoo walaaca ugu badan ee Waalidiinta ay qabaan hada ay tahay in caruurtooda ay Daacish aadeen