Nala soo xiriir

Warbixinada

Booliska Faransiiska, ayaa wuxuu shaaciyay in la soo gaba gabeeyay hawlgalkii saakay ka socday xaafadda Saint Denis Ee Waqooyiga Magaalada Paris.

La Qoray

on

Booliska Faransiiska, ayaa wuxuu goor dhow uu shaaciyay in la soo gaba gabeeyay hawlgalkii saakay ka socday xaafadda Saint Denis Ee Waqooyiga Magaalada Paris.

Xoogaga ammaanka, ayaa weeraray dhisme ku yaala Saint Denis, iyadoo uu soo galay tuhun ah in uu ku sugan yahay mid ka mid ah ragga la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen weeraradii Magaalada Paris, Jimcihii.

Haweeney laga shakiyay oo xirneyd jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, ayaa is qarxisay, xilli Boolisku ay isku deyayeen in ay gacanta ku dhigaan, iyadoo nool. Boolisku waxay sheegeen in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah eeyda u tababaran hawlgalada.

Nin lala xiriirinaayo kooxdii ku sugneyd dhismaha la weeraray, ayaa toogasho lagu dilay. Waxaa kaloo jira illaa toddobo qof oo laga shakisan yahay oo la xiray.

Booliska, ayaa Twitter-ka ku sheegay in shan ka mid ah Ciidanka Booliska ay ku dhaawacmeen waxa loogu yeeray hawlgalka ka dhan ah argagaxisada.

Booliska, ayaa baadi-goob ugu jira Abdelhamid Abaaoud oo u asalkiisu yahay Moroccan, sidoo kalana haysta dhalashada dalka Belgium, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo. Abaaoud oo lagu eedeeyay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weeraradii Paris, ayaa waxaa kol hore soo baxay warar sheegaaya in uu ku sugan yahay dalka Suuriya, inkastoo ay dib ka soo baxeen warar intaasi shaki gelinaaya.

Goobaha waxbarashada ee ku yaala Saint Denis, ayaa la xiray, waxaana muwaadiniinta lagu wargeliyay inaanay guryahoodu ka soo bixi karin, illaa amar dambe.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay intii uu hawlgalku socday in ay maqleen qaraxyo iyo rasaas xoogan, rasaasta ayaa ahayd mid laba dhinac ka dhaceysay.

Xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee loogu yeero Elite police, ayaa ka soo muuqday hawlgalkii maanta, iyagoona gacanta ku dhigay illaa toddobo nin oo argagaxisnimo loo haysto.

France13

France15

France21

France31

France41

France52

France61

France71

France81

France95

France911

France921

France931

France941

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Booliska Australia Oo Baadi Goobaya Muwaadin Soomaaliyed Oo Dil Ka Geystay Dalkaasi.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Booliska dalkaasi ayaa soo saaray Warqaddii lagu soo qaban lahaa Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Marxuum la oran jirey C/llaahi Maxamed Cigaal ku dilay dalkaasi sannadkii 2015-kii.

Hadal-qoraal oo ay Boliska Australia soo saareen ayey ku sheegeen inuusan jirin Heshiis ay Dowladaha Somalia iyo Australia horey isugu raaceen in Dembiilayaasha la isku soo celin karo.
Eedeysanaha la raadinayo ayaa la sheegay inuu dalka Australia ka soo baxsaday markii uu dilkaasi geystay, isla markaana uu haatan ku sugan gudaha Somalia, inkastoo aysan Boliska si rasmi ah u caddeynin magaalladda uu kaga sugan dalka Somalia.

Boliska Australia waxay sheegeen inuu C/qaadir Faarax ka soo dhoofay Garoonka Caalamiga ee magaalladda PERTH, isagoo Transit ku soo maray Dubai, ka hor inta uusan ku soo laabanin Somalia.
Dhinaca kale, Maydka Marxuumka la dilay ee C/llaahi Maxamed Cigaal oo 25-jir ahaa waxaa maydkiisa la helay bishii October ee sannadkii 2015-kii, 5 bilood kadib, markii la waayey Eedeysanaha dilka geystay.

sii aqri

Warbixinada

Masjidka Xaramka Ayaa Waxa Ku Soo Jabay Washiir Shaqo Kawaday Masjidka

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Saraakiisha Mamulka magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu Wiish nooca guur-guura soo jabay kuna habsaday goob uu dhismo ka socday Masjidka weyn ee Maka, iyadoo Dareewalkii Wiishkaasi uu soo gaaray dhaawac fudud.

Twitter-ka Telefishinka Al-Ekhbaariya waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ku sugan Maka Al-mukarama inaysan waxyeello soo gaarin dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka Xaramka.

Goobta uu dhismuhu ka socdo ee Masjidka Xaramka ayaan weli loo furin dadka Cibaadaysana, kuwa Cumradda iyo dadka kale ee u soo cibaada taga Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalladda Maka Al-mukarama.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Shulka, ayaa muujinaya inuu Wiishku ku dhacay meel uu dhismo ka socday, oo uusan ku dhicin meel ay dadkii cibaadaysanayey joogeen

sii aqri

Warbixinada

Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran kaasoo ku saabsanaa horumarinta barnaamijka Niyukliyerka.

Trump ayaa saxiixay ka bixitaan heshiiskan waxana uu sheegay in cunoqabatayn xoog leh uu ku soo rogayo dalka Iran.

Shir jaraa’id oo goor dhow qabtay ayuu Madaxweynaha Maraykanka waxa uu ku eedeeyay dowlada Iran inay gacan siiso kooxaha argagaxisada ah isagoo tusaale u soo qaatay kooxaha Xamaas,Daalibaan iyo Alqaacida.

Dowlada Maraykanka ayaa hore loogu baaqay inaysan ka bixin heshiiskan lala galay dalka Iran,hase yeeshee baaqyadaas ayaa guuldareystey kadib markii uu Madaxweyne Trump ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiiska.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in haddii heshiiskan uu sii socdo wadan walba oo ku yaal bariga dhexe waxa uu tartan u galayaa in uu sameysto hub niyukliyer ah.

Madaxweynaha Iran Ruuxaani ayaa si dhaqso ah uga jawaabay warka ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka waxana uu ku tilmaamay ka bixitaanka heshiiska mid aan sharci ku fadhin oo xaaraan ah isla markaana carqaladaynaya heshiisyada caalamiga ah.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dalkiisu uu ilaaliyo heshiisyada uu galo balse Maraykanka uu ka baxo heshiisyada uu galo.

Qorshahan dhamaystiran ee heshiiska ayaa waxaa isku raacay oo saxiixay dowladda Iiraan iyo 5 dal ee xubnaha joogatada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wadamadan ayaa kala ah Mareykanka , UK, Faransiiska, Shiinaha,Jarmalka iyo Ruushka. Heshiiskani barnaamijka Niyukleerka ee iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn loo yaqaanaa (P5+1).

Heshiiskaasi waxaa qeyb ka ahaa in Iiran ay aqbashay inay yareyso keydkeeda macdanta bacriminta Yureeniyaamta oo loo isticmaali kara in hub niykliyeer ah laga sameeyo. Xadiditaankaasi ayaa lagu heshiiyay inuu socdo muddo 15 sano ah.

Heshiiska ayaa waxaa lagu taageeray qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2231, waxaana dhaqangalinta heshiiskani uu bilaabamay bishii January 2016, ka dib markii ay hay’ada caalamiga ah ee ka hortaga hubka Atoomikada ay xaqiijiso in Iiraan ay fulisay balanqaadka.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka1 day ago

Madaxweynaha Dalka oo Bogaadiyay Dadaaladda Xukuumadda ee awood siinta ganacsatada Soomaliyeed

Wararka2 days ago

Madaxweynaha maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed oo Bulshada Waajid kala hadlay furitaanka wadooyinka uxiran Al-shabaab

Wararka2 days ago

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Taagero Ka Helay Turkiga.

Wararka2 days ago

Lafta-gareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ayaa Gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wararka2 days ago

Janan Ayaa Safar ugu Ambabaxay Dalka Itoobiya.

Wararka3 days ago

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Oo Gaaray Cadaado.

Wararka3 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Hadbalyo U diray Antonio Guterres.

Wararka3 days ago

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Maanta Daah-Furay Imtixaanaadka Shahaadiga.

Wararka3 days ago

Muwaadinka Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

Wararka3 days ago

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaysa Shurka Antalya.

Wararka3 days ago

Madaaxweynaha Wadanka Nigeria oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Boko Haraam

Wararka4 days ago

Madaxweynaha Maamulka Jubland oo Gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada .

Wararka4 days ago

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Daqliga gobolka Banaadir

Wararka5 days ago

Barlamaanka maamulka Puntland oo dood kayeelanaya Shirkadda DP world

Wararka5 days ago

Madaxweynaha Dalka oo ku wajahan Turkyga

Ciyaaraha5 days ago

Rasmi Ramos oo ka tagay Naadiga Real madrid

Wararka5 days ago

Wasiiradda Arimaha Dibadda Somaliya iyo kan Knya oo Wada Hadlay

Wararka5 days ago

qasaaro dhimasho Iyo Dhaawac ka dhashay Shil gaari oo K dhacay Dowlad Deegaanka Soomalida

Wararka6 days ago

Boob Ganacsi oo loo geestay Ganasato Itoobiyaan ah , Iyo walaac soo wajahay Soomalida kunool Dalkaasi .

Ciyaaraha6 days ago

Tawabaraha Xulka Qaranka somaliya oo shaqada laga eryay .

Wararka6 days ago

Ra’iisul WasaarahaDalka oo Xalay Isbitaalka ku booqday dhallinyaro ku dhaawacantay qarax shalay ka dhacay xerada Ciidanka ee Gen.Dhegabadan.

Wararka6 days ago

Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Lagu Weeraray Shabeelada Hoose.

Wararka6 days ago

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Oo Ka Warbixiyey Qaraxii Maanta Dhacay.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco