Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in madaafiicdaasi laga tuuray Degmada Wardhiigley. Madaxtooyada Somaliya oo madaafiicda lagu weeraray waxay ku taallaa Degmadaasi.
Taliyaha, ayaa wuxuu tilmaamay inay baaritaano ku sameeyeen halkii laga soo tuuray madaafiicda, ayna xaqiijiyeen in laga tuuray Degmada Wardhiigley.
“Waxaan ogaanay markii aan arrintaan baarnay in madaafiicda laga tuuray Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, waxayna ku soo dhaceen isla Degmadaasi.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha, ayaa cadeeyay in rag la socday gaari kuwa yar yar ah ay madaafiicda tuureen, isla-markaana ay ku baxsadeen isla gaarigii ay wateen, ayna wadaan baaritaano ka dhan ah dembiilayaasha.
“Nimanka madaafiicda tuuray waxay wateen gaari nooca raaxada ah, madaafiicda ka dibna waxay ku baxsadeen gaarigii ay wateen. Hadda waxaan wadnaa hawlgal ka daba tag ah, oo aanu ku raadineyno nimankaasi.” Ayuu yiri General Cali Xersi Barre.
General Cali Gaab, ayaa cadeeyay in cunug yar uu ku dhintay madaafiicdaasi, halka sideed kalana ay ku dhaawacmeen. Dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay madaafiicdaasi ayuu ku sheegay inay shacab ahaayeen.
“Hal qof ayaa ku dhintay madaafiicda oo weliba cunug yar ahaa, sideed kalana way ku dhaawacantay. Dhammaan dadkaasi waxay ahaayeen rayid.” Sidaasi waxaa yiri Cali Gaab oo la hadlay Warbaahinta.
Iyadoo Taliska Booliska Gobolka Banaadir uu madaafiicdaasi ku eedeeyay Ururka Al Shabaab, ayay hadana illaa iyo hadda si buuxdo kaga hadlin eedeymahaasi.