Boqolaal ka mid ah Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa waxaa loo daabulay Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Magaalada Jowhar waxaa toddobaadkan lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, inkastoo ay Odayaasha Gobolka Hiiraan diidan yihiin in wax shir ihi kaga qaybgalaan Maaaladaasi.
Suxufiyiinta Magaalada Jowhar, ayaa waxay soo sheegayaan in xalay Magaalada soo galeen Ciidamada Nabad Suggida, iyagoo markaasi la socda gadiidka dagaalka, oo Magaalada Muqdisho ay ka soo raaceen.
Ciidamadan, ayaa waxay durbaba hawlgal ka billaabeen xaafadda Kulmis. Hawlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada, loogana hortagaayo nabadiidka.
Sidoo kale Ciidamaa Nabad Suggida, ayaa waxaa lagu arkayaa Kontoroolada Magaalada Jowhar laga soo galo, iyadoo la arkaayo, iyagoo baaritaano adag ku samaynaaya gaadiidka.
Jowhar waxaa ku qulqulaysa qaar ka mid ah ergada lagu wado inay Maamulka u soo dhisto Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan, waxaana Magaalada laga dareemay gebi ahaanba mid amnigeeda si wayn loo xoojiyay.