Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqday degmada Mahaday oo ay toddobaadyadii la soo dhaafay ka da’een roobab xoog leh oo waxyeelo u geystey boqolaal qoys oo ku nool degmadaas.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe ayaa warbixino ka dhagaystay saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeesheen degmada Mahaday guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada Mahaday.
Wafdiga uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe oo ay kamid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal,taliyaha qeybta Booliska gobolka Sh/dhexe Col Khaliif Cabdulle Cismaan ayaa waxa ay booqdeen saldhiga Booliska degmada Mahaday,xarun caafimaad,suuqa degmada Mahaday, iyo xarumo waxbarasho oo ay saameyn ku yeelatay roobabkii deyrta.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in wax u qaban doonaan dadka ku barakacay roobabka iyo fatahaadaha. Waxana uu sheegay in kormeerkiisa ay ku weheliyaan injineero dhismaha ah kuwaasoo qiimeyn ku sameynayay mashaariicda horumarka eel agama maarmaamnka u ah bulshada degmada sida xarunta caafimaadka iyo kawaanka oo dayactir lagu sameynayo iyo dhismaha xarun uu yeesho maamulka degmada Mahaday iyo saldhig boolis.
Maamulka degmada Mahaday ayaa soo dhoweeyey mashaariicda horumarineed isagoo guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in dhowaan mashaariicdaas horumarineed laga hirgelin doono degmada Mahaday.
Hore ayaa mashaariic sidan oo kale ah loogaga hirgeliyay degmooyinka Jowhar,Balcad,Warshiiq iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.Waana markii ugu horeysay ee uu maamulku si rasmi ah ugu dhowaaqo in mashaariic horumarineed laga hirgelinayo degmada Mahaday.








