Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in khaaare aad u xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya, kadib markii jimcihii la soo dhaafay ay weerareen saldhig milateri ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen xerada ciidan ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya.
“Qorshahan wuxuu ahaa mid mujaahidiinta ay muddo soo wadeen, inaan xero xero u baabi’ino cadawga, hadii shalay la galay xerooyinkii Janaale, Leego, Jameeco, maantana xeradii Ceel-Cadde ee Kenyanka ku sugnaayeen ayaa la galay oo aan ku baabi’inay”ayuu yiri Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay ka dileen in ka badan 100 askari, kuwaasoo uu tilmaamay in meydadkooda laga soo uruurinayo duurka, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu xusay in gaadiid fara badan oo gaaraya sodomeeyo ay kala wareegeen, isagoo tilmaamay in hub iyo saanad milateri ay gacanta ku dhigeen.
“Waxaan rabnaa inaan Kenya u tilmaamno in dagaal aadan aqoonin ayaa soo gasheen, dagaalka wuxuu idinka reebi doono baaba’a, hantidiina ayaa ku baabi’i doonto, wiilashiina ku dhamaan doonto, guryihiina iyo daaraha dhaa-dheer ayaa ku dumi doono, maanta xaqiiq ayaa heysaan, in hubkii aad u faaneyseen inaan gacanta ku dhignay”ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa war uu soo saaray jimcihii ku sheegay in askar looga dilay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde, inkastoo aanu sheegin tirada rasmiga ah ee askarta uga dhimatay weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay weerarada qorsheysan ee ay ku qaadayeen saldhigyada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Koofurta Soomaaliya.