Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dib u soo ceshan doonaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Cali Khaliif ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo xoog leh, isagoo xusay inay heystaan fursad aanay horay u jirin, isla markaana guushu ay dhow-dahay.
“Waxaa ku rajo weynahay in Laascaanood aan maalmaha soo socda aan soo ceshano, Baarlamaanka kalfadhigiisa ku qabsano bisha October haddii alle yiraahdo, hadal aan iska iri ma ahan, dhulka ma xoroobayo hadii aan la uruurin ciidankii loo baahnaa”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.
Waxaa uu sheegay in Laascaanood ay tahay Caasimada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo ku baaqay in laga qeyb qaato sidii dhulka ka maqan gacanta maamulkiisa.
“Laascaanood dadka xoreystay ayaa maamulo doona, waxaa leenahay dadka kale waa inaa ka qeyb qaadatayaan, hadhow yaanay marti ka noqonina, waa go’aan hada inoo yaalo, waxaa jira fursad aan markii hore heysan, guushu waa dhow-dahay”ayuu yiri Madaxweynaha Khaatumo State.
Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya magaalada Laascaanood, halkaasoo sanadkii 2007-dii ay kala wareegeen Maamulka Puntland, iyadoo labada maamul uu wali u dhaxeeyo muran la xiriira deegaanada Sool iyo Sanaag, kaasoo labada maamul ay kala sheeganayaan lahaanshihiisa.
Khaatumo State oo aan wali helin aqoonsiga Maamulada federaalka ee dalka, waa maamul ka madax banaan Puntland iyo Somaliland oo labadaba kala sheeganaya dhulka uu maamulkaas hada doonayo inuu dib u xoreeyo.