Maamulka degmada Beledweyne ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Hiiraan in uu si sharci daro ah ku iibsanayo dhul ay ciidamada daraawiishta iyo wakaaladii horumarinta beeraha ee ADC ku lahaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax uu bilaabay in uu si sharci darro ah ku iibsado dhul laga saaray dad hore u degenaa oo dan guud awgeed howlo loogu qaban lahaa bulshada gobolka Hiiraan iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u qorsheynay in dhulkaas laga dhiso mashaariic dan guud ah iyo dhismooyin ay dowlada hoose ugu adeegto bulshada,xarun dab damis,boosteejo gaadiidka laga raaco hase yeeshee guddoomiyaha gobolka ayaa bilaabay in uu bedelo qorshaha hore aan u dejinay isagoo dad ganacsato ah ka iibsanaya dhulkii dowlada.”ayuu yiri kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne Bashiir Xuseen.
Kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore ayaa sheegay in dhulkaas uu yahay dhul dan guud, waxana uu ugaga digey shacabka degmada Beledweyne inay lacagtooda geliyaan dhulkaas oo ay ku iibsadaan.
Sidoo kale kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa ugu baaqay madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasaarada arrimaha gudaha inay arrintaan soo farageliyaan isla markaana hantida danta guud loo ilaaliyo shacabka Soomaaliyeed.
Is qabqabsiga ku saabsan dhulka ay lahayd ciidamada daraawiishta iyo ADC magaalada Beledweyne ayaa ah mid soo shaac baxay bilihii la soo dhaafay waxana wararka ay sheegayaan in khilaafka soo kala dhex galay maamulka degmada iyo kan gobolka uu marayo meel xasaasi ah.