oogaga Midowga Afrika Amisom ayaa xilligan waxa ay dalbanayaan ciidamo dheeraad ah si guluf colaadeed loogu qaado dhulka Shabaabka ay ka joogaan dalka Somalia.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Amisom, ayaa sheegay inay muhiimad weyn u leedahay helida ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Amisom, kuwaasi oo lagu soo biiriyo ciidamada hada jooga, waxaana taasi ay inoo suuragelinaysa ayu yiri sidii aan ciidamo u dhigi laheyn deeganada Shabaabka aan ka qabsano.
“Hawlgalkani waxa uu u baahan yahay ciidamo dheeraad ah, si aan horay ugu socono, tirada ciidamada aan hadda heysano waa 22 kun boqol iyo labaatan iyo lix askari , kuwaasi ayaanan kusii wadaynaa hawsha, anaga oo isku dayayna in aan fulino hawsha noo taala” Ayuu yiri Sarkaalkaasi.
Mar uu ka hadlaayay ahmiyada ay u leedahay ciidamo dheeraad ah oo ay helaan Amisom iyo qorshaha ay ka leeyihiin ayaa wuxuu ku jawaabay.
“Haddii aan ciidamo dheeraad ah helno, horey ayaan usii soconeynaa, hawshana xawaaraheedu waa kordhaya in ka badan sida uu hadda yahay, waxayna nooga dhignaanaysaa in aan ciidamo u helno meelaha aan xoreynay oo dhan in ay joogaan , waxaa kale oo ay nooga dhignaaneeysaa in aan waqti badan u helno tababarka ciidamada Soomaaliyeed , waayo waxaan heleynaa ciidamo noogu kala qeybsama kuwa dagaalama iyo kuwa tababarka bixiya”.
Ciidamada Amisom ee Somalia iminka ka howlgalada ayaa tiradooda waxa ay tahay kuwa aad u badan oo haysta gaadiid dagaal iyo qalab Milateri oo culus, hadana waxa ay awoodi la’yihiin inay u babac dhigaan ciidamada Shabaab ee Somalia ka dagaalama.
Ciidanka Amisom ee Somalia ka howlgala, waxa ay ka socdaan dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Ethiopia iyo Jabuuti, dhamaantood waxa ay caawiyaan Dowladda taagta daran ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo, hadana kama adkaadaan Shabaabka.