Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa waxay daafacyo ka sameysteen wadooyinka soo gala Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa jira dareen laga qabo in Maamulka Galmudug uu soo weeraro Maamulka Ahlu Sunna, si taasi looga gaashaantana waxay Ciidamada Ahlu Sunna ay isu deyayaan inay difaacdaan gacan ku haynta Magaalada.
Labada ciidan oo kala taabacsan labada dhinac, ayaa waxay isku horfadhiyaan meel aan sidaasi kaga fogayn Deegaanka Mareergur, oo dhaca duleedka Xarunta Gobolka Galgaduud. Waxay kaloo isku horfadhiyaan Deegaanka Godinlabe.
Waxaa la xusuusan yahay in Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo deegaan ahaan ka soo jeeda Dhuusamareeb, uu Talaadadii ku cago jugleeyay inay tallaabo ka qaadayaan Ahlu Sunna, markii uu ku eedeeyay inay barakacin ku hayso dadka reer Dhuusamareeb.
Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka Ahlu Sunna, ayaa sheegay inay Dhuusamareeb ka difaaci doonaan cid kasta oo nabadda u diidan buu yiri dadka deegaanka.
Ina Xeefow, ayaa xusay in caawa ay degan tahay xaaladda guud ee Magaalada Dhuusamareeb, ka dib dagaal 15 saac oo xiriir ah ka soconaayay.
15-kii saacadood ee la soo dhaafay waxay dadka reer Dhuusamareeb kaga dhigan tahay mid ka mid ah waayahoodii ugu xumaa, ee soo mara Xarunta Gobolka Galgaduud.
Saciid Yuusuf Jimaale oo ka mid ah dadka ku haray Dhuusamareeb, ayaa waxaa uu sheegay in dadka reer Dhuusamareeb saacado badan loo diiday inay madaxa kor u qaadaan, sababo ku aadan dagaalka oo aan waxba leesku reeban, sida uu yiri.
Ciidamada Ahlu Sunna oo dagaal qaraar Dhuusamareeb kula galay maleeshiyaad u daacad ah Liibaan Madaxweyne, ayaa waxay soo gaba gabeeyeen duhurnimadii maanta, waxayna Ahlu Sunna sheegtay inay gacanta ku hayso xubno uu ka mid yahay Liibaan Madaxweyne.