Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo labo bilood ah u kordhiyay howlgalka ciidamada Amisom ee Somaliya ay sii joogayaan.
Qaraarka waqtiga loogu kordhiyay ciidamada Amisom ayaa waxaa saxiixay Wadamada Afrikaanka ah ee qaybta ka ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa sheegay inay eegayaan waqti ay ku qiimeeyaan natiijo ka soo baxda Qaraarkan cusub goluhu in uu hoosta ka xariiqayo muhiimadda ay leedahay wadatashiyo lala sameeyey dhinacyada ku lugta leh howlgalka Somaliya.
Ciidamada Amisom ayaa loo kordhiyay labo bilood ilaa 8 July ee 2016, iyadoo Golaha ammanka ay ka codsadeen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimoon in uu sii wado taageerada farsamo ee la siinayo Somaliya sida ku cad qaraarka tirsigiisu yahay 2245 kaas oo soo baxay 2015.
15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ka laabtay Magaalada Muqdisho oo ay u yimaadeen howlo shaqo waxa ayna la kulmeen Madaxda Dowladda Somaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay arimaha Somaliya Danjire Micheal Keating, ayaa sheegay in ammaanka Somaliya xilligan uu yahay midka ugu weyn ee walaaca laga muujinaayo.
“Ammaanka Somaliya waa walaaca ugu weyn ee hadda taagan kaas oo ay qabaan wadamada gobolka iyo beesha caalamka waana taa sababta muhiimka ka dhigeysa in la meel mariyo qorshe sharci ah oo awooda la isugu wareejinayo.” ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo la hadlay saxaafadda kadib booqashadii golaha ammaanka ee Muqdisho.